Sir culus

Calendar -taariikh

April 2014
M T W T F S S
« Dec    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
SOMALI LINKS

“Waa tuma Fanaanada Feynuus Sheekh Dahir” Reer Cabdille mise Reer Cismaan Sheekh ?

Feynuus-sheekh-DahirQarxisnews.com – {London} Fanaanada loogu doowgalay jilida iyo qoob ka ciyaarka ee heer Qaran hoboladii Waaberi Feynuus Sheekh Dahir waxay ku dhalatay degaanka Qabri Dahare.
Fanaanada waxay dadka qaarkiis hadba ku sheegaan reer laakiin waxay ka soo jeedaa qabiilka Ogaadeen gaar ahaan Reer Cismaan Sheekh.
Dad badan oo qurbaha ku nool ayaa Fanaanada ku leexiya inay tahay Reer Cabdille ,Reer Dalaal hasse yeeshee taasi maaha sax sida Qarxisnews ogaatay.
Feynuus Sheekh Dahir oo ka dhigan aktarad weyn waxay aad u neceb tahay qabiilka iyo qabyaalada,waxayna taariikh weyn ku leedahay Fanka.
Hab jileenka iyo madadaalada qof daawaday Feynuus maalin qura kama xiiso dhaco inuu daawada barnaamijyadeeda.
Feynuus waxay hada ku nooshahay Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

By Khaalid Mohamud

12 Responses to “Waa tuma Fanaanada Feynuus Sheekh Dahir” Reer Cabdille mise Reer Cismaan Sheekh ?

  1. daljir says:

    FAYNUUS WAA SAX WAA REER CISMAAN SHEEKH BALSE MA AHAN OGADEEN .WAA MADAXWEYNE DIR
    REER CISMAAN SHEEKH WAA DIR

  2. daljir says:

    FAYNUUS IYO ABWAAN DHODAAN WAA ISKU REER ILAAH HA U NAXAREESTE WAA REER CISMAAN LABADUBA
    MANA AHAN OAGDEEN WAA DIR

  3. Sxb aan Horta ku saxo waad ka dhacsantahaye, gbadhu waa sax iney ree Cismaan sheekh tahay laakiin mid baa kaa khaldan cismaan sheekh Ogaden dhalad maaaha waa sheegad waxay galaaan qola layiraah layyiile oo akishe ah waana Dir, laakiin waxaa run ahay qoyska ay ka dhalatay inuu sheegto oo Ida sheegtayn jilibka ree Dalal weliba reer aw cali dalal waana de ree Warfaa oo ree cabdille ah, hadaba yayna kaa lumine qoyska dhan ayaa lunsan Cismaan sheekhna qabiil maaha waa wadaaad uun Sheekh ahaa oo meesha wax ku barayay kadibna dagay sidaana qoyskaa ugu milmay ayadu cismaan Sheekh ugu badnaan sadex oday bay ku gaadhaa waxaaa ay weliba yihiin qoys layiraahdo reer aw siciid oo jubboiyinka daga oo reer Kismayo area ah ah, laakiin qabiilkoooda weyn waa layyiile

  4. shire says:

    waxaa aan idin su alasyaa
    ma waxa la idin dhahay ogaadeen ma lahan fanaan ?

  5. qorshe1 says:

    HADDII DIR ILAAH KA DHIGAY MAXAA U DHIMAN OOY NOQON LAHEYD
    WAXAA KASII FIICAN ISLAAMKA OOY KU ABTIRSATO DHAQAN IYO DHALASHABA.

  6. Dhiblow says:

    Investigative journalists of Qarxisnews mahadsanidiin. waxaan suuqa aad uga maqlaa Fanaanad kamida kuwii hore oola dhaho Nimco Yaasiin ( Nimco Sharaf) ineysan ahayn qabiilka Isaaqa laakiin beesha Habaryoonis khaasatan ayka aqbaleen codsi kamidnoqosho ay usoo gudbisay dhowr sano kahor laakiin aytahay qabiilada point 5 soomalidu utaqaan beryahaan… Arintaas naga jaahil bixiya aniga iyo akhristayaasha daacada u ah webkaan.

  7. asc waxaa aad uga xumahay addminka webkan waayo ma ilaalinayo anshaxa saxaafada mida labaad waxaa kaloo la sii yaabanahay in dad ay ku soo qoraal qabiil magacii hadana dhahaan qabiilkaas waa sheegad oo qabiilkaas ayuu sheegtaa waa dulinimo in aad soo qorto waxaas oo kale REERCISMAAN SHEEKH waa qabiil la yaqaano oo daga itobiya somaliya kenya jabooti ogaadeena sheegad uma aha walalayaal anigu mana ihi ree cismaan sheekh laakiin waxyaalaha khaladka umada ku ah ma fiirsankaro maamulkuna ha ilaaliyo nidaamka waxa aan u qalmin in la soo bandhigo ee dadku iska soo qorayaan dib ha u fiiriyo WABILLAHI TOWFIIQ

  8. dulmi diid says:

    jaaa looma baahnaba inta leydinkarabay waa leydinka helay maadama lahelay dad si fcn ugaranaaa

  9. waarkuwan qarxis news maxaa ka khaldan oo fanaaniinta qabiilkooda dabadhigay war xishooda oo waxaas joojiya ceebta waala xishoodaa reer qarxis

  10. Maxamed says:

    Taariikh badan baa idinka maqan – Feynuus waa gabadh reer sheekh cusman ah oo ilaa 5 generation la dhiig ahayd reer dalal oo reer cabdille ah – Aw cali ayaa tagay Marka isga oo diin raadis ah , waxay saaxib noqdeen oo soo raacay sheekh cusman oo ay ubadkoodu isku milmeen qooys ahaan – Faynuus waa gabadh reer sheekh cusman / reer dalal ah .

  11. Jamac Yare says:

    Qarxisnews waxaan ugu hanbalyaynayaa waxyaalaha soomaalida dilooday oo ay banaana u soo tuurayso dadbadan baan anigu qabaa in ay sheegtaan qabiil aanay u dhalan maadaama dhula soomaliya gabi ahaanba aan sharci lagu joogin ee tol iyo reer hebel lagu joogo.

  12. abdirahman says:

    Horta waxa jahilnimo ah qof ka webka qorayo ama leh waaye waa laga tagay xili ninkaas waa reer hebel ama siyaasi ha noqdo ama nin maalqaben ah hada se fanaaninti bulshada ma loo soo dhigtay qarxis waxan dhihi laha qarax kan alshabaab ayaa noogu filan ee webka wax kale oo buslshada wanaag u ah ha lagu badalo
    waa iga talo soomaalaay dantaa garo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

LAYAABKA